DEG DEG: Ciidamo la wareegay Xaawo-taako

Beledweyne-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Buundada Nuur-xawaad oo kala qeybisa xaafadaha Xaawo-taako iyo Kooshin ee Magaaladaasi.

Wariyaha Risaala halkaasi uga soo warama ayaa soo sheegaya Ciidamo Boolis ah in ay goor dhow la wareegeen Buundada Nuur-xawaad oo kala qeybisa xaafadaha Xaawo-taako iyo Kooshin ee Magaaladaasi, isagoo sidoo kale sheegay Ciidamada in Gawaarida ay u diidayaan in ay isticmaalaan wadadaasi.

Ciidamadan la wareegay halkaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ka caresan yihiin Mushaar la’aan, maadaama dhowaan aysan qaadan Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen, taasina ay sababtay in ay Gadoodaan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay ku baxeen Ciidamadan, si ay u xaliyaan tabashadooda, sidoo kalena ay u furaan isu socodka Gaadiidka wadadaasi.