Saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku shirsan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa ka hadlayaan Howlgalka Ciidanka AMISOM iyo in dib u eegis lagu sameeyo Miisaaniyadda Howlgalka sanadkan 2017-ka.
Sida horeyba loo sii shaaciyay kulankan ayaa waxa uu socon doonaa mudo ku siman 5 maalmood, xubnaha ka qeyb galaya kulankan ayaa waxa ay lafa gur ku sameyn doonaan sanadkii hore waxyaabaha ay qabteen Howlgalka AMISOM iyo sanadkan Istiraatiijiyada u degsan.
Ambassador Francisco Madeira Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ayaa xubnaha ka qeyb galaya shirkan ka hor sheegay in ay doonayaan ama ay qorsheyeeyaan Faafinta shaqada Unug kasta oo ka tirsan AMISOM, si hormaro loogu talaabsado.
Sidoo kale War-saxaafadeed uu soo saaray Mr. Madeira ayuu ku sheegay in ay sii kordhayaan dhibaatooyinka maalgelinta tiro ka mid ah Barnaamijyadda AMISOM, taas oo uu ku sababeeyay awoodda Deeq-bixiyeyaasha oo aad u soo yaraatay, oo hada aan loo baahneyn in ay sidaasi noqoto.
“Waxaan dooneynaa Faafinta shaqada Unug kasta oo ka tirsan AMISOM, waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka maalgelinta tiro ka mid ah Barnaamijyadda AMISOM, taas oo sabab u ah awoodda Deeq-bixiyeyaasha oo aad u soo yaraatay, hada waxaa la joogaa xilligii ay Deeq-bixiyayaasha garwaaqsan lahaayeen inay iyagu qeyb ka yihiin Xal u helida xiisadda ka jirta Soomaaliya” Ayuu yiri Francisco Madeira.
Ugu ambeyntii Ambassador Francisco Madeira Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay muhiim in ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd Dowlad Waxtar leh.


