Kenya oo xirtay Soomaali

Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya gaar ahaan Booliska dalkaasi ayaa waxa ay xireen oo ay xabsiga dhigeen muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay kufsi u geysteen Gabar ku nool Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Dhalinyarada ay xireen Booliska Kenya oo gaaraya Saddex ayaa warbaahinta gudaha dalkaasi waxa ay magacyadooda ku sheegeen Maxamed Maxamuud, Xuseen Sheekh iyo Maxamed Cali Nuur, waxaana ay hada ku xiran yihiin xabsi ku yaalla bartamaha Magaalada Mombasa.

Kenya ayaa Dhalinyaradan waxa ay ku eedeysay in ay kufsadeen Gabar 14 sano jir ah, taasi oo markii ay kufsadeen kadib ka soo tuuray Dabaq ka kooban Labo Biyaano, sida ay sheegeen saraaskiisha Booliska.

Dhalinyaradan oo mudo lagu raadjoogay ayaa dambigan waxa ay geysteen 23-kii Febraayo ee Sanadkaan , sida lagu xusay warqad qoraal ah oo ka soo baxdy Xeer Ilaalinta Dowladda Kenya, taasi oo nuqul ka mid ah la gaarsiiyay saxaafada.

Gabadhan oo aysan Boolisku sheegin halka ay ka soo jeedo ayaa sidoo kale Aabaheeda waxaa dhaawac u geystay Dhalinyaradan Soomaalida ah, xilli uu ku hungoobay in Gabadhisa uu raggan ka badbaadiyo.

Ugu dambeyntii Booliska Kenya ayaa waxa ay sheegeen raggan Soomaalida ah in Maxkamad la soo taagi doono 14-ka Bishan, si xukun loogu rido, sidoo kalena ciqaabtiisa loo marsiiyo dambigii ay galeen.