DHAGEYSO: Jubbaland oo hirgelisay xarun dhaqacelin

Kismaayo-RisaalaFM- Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa waxaa laga furay xarun lagu dhaqan celinaayo dhalinyarada ka soo baxsata Ururka Al Shabaa ee isku soo dhiibta Maamulka Jubbaland.

Dhismaha xaruntan oo ay maalgelin ku sameysay dowladda Jarmalka, ayaa markii xariga laga jaraayay waxaa ku sugnaa madasha Ku xigeenka Safiirka dowlada Jarmalka u fadhiya Somaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Dhalinyarada ka soo laabata fikirka ururka Al-shabaab, si dhowna ay ula shaqeyn doonaan, si ay u helaan Mustaqbal wanaagsan oo nafsadooda anfaca.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay Dhaqancleinta dadka qaar in ay u fahmeen si qaldan, taasina aysan aheyn, lana doonayo in Qofka la baro farsamo uu ku shaqeysto.

Xaruntan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay ee laga hirgeliyo Magaalada Kismaayo oo hada caasimad ku meel gaar ah u ah Maamulka Jubbaland, taas oo lagu dhaqancelin doono dhalinyarada ka soo goosata fikirka ururka Al-shabaab.

 

Daah-furida Daah-furida-1 Daah-furida-2