Ahlu sunna “Ciidankeena waxa ay ku biiri doonaan Ciidanka DF”

Sheekh Isxaaq Mursal Gees-dheere oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ahlu sunna oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in ay  si aad ah u soo dhaweynayaan Hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federallka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), kaas oo ahaa in dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka kor loo qaadi doono.

Isxaaq Mursal Gees-dheere ayaa tilmaamay in arrintaas ay tahay mid lagu farxo, maadaama Wadan walba uu ku hormaro [dhismaha Ciidanka, taasina ay tahay muhiim, si guulo loo gaaro.

Waxaa uu in taas Ku daray Sheekh Isxaaq Mursal Gees-dheere oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ahlu sunna hadii ay yihiin Ahlu sunna in Ciidankooda ay ku biirin doonaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Si kastaba Hoggaanka cusub ee dalka ayaa waxaa uu Muujiyey in ahmiyad gaar ah uu siin doono Ciidamada Dalkeena ayna ilaalin doonaan xuquuqda Ciidanka.