Deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa ka taagan xaalad abaareed oo sababtay in ay ka hayaamaan dadka reer guuraaga ah sidoo kale waxaa jira in ay gabaabsi noqdeen biyaha laga helo ceelasha.
Magaalada Boosaaso waxaa iminka ka socda gurmad loo fidinayo dadka ay abaartani saamaysay taasoo ay hormuud ka yihiin qaar ka tirsan culumada.
Kuleelka abaarta jirta ayaa sababtay biyo yaraan baad xumo iyo xoolaha qaarkood oo ay soo wajahdo dhimasho.
Gudaha magaalooyinka Puntland ayaa durbaba laga dareemay xaaladan abaareed ee halkaasi ka jirta waxaana aad u yaraaday xoolihii halkaasi ku noolaa oo biyo la’aan u dhimanaya.
Deegaanada abaarta laga soo sheegayo ayaa waxaa ka mid deegaanka Bander Beyle oo roob la’aan iyo cuno xumo ay ka jirto oo dadkii halkaaku noolaa ay isaga soo barakaceen.
Inkastoo xaalada abaartu ay ka jirto goobo badan oo ka tirsan Puntland ayaa hadana waxaa jira meelo badan oo ka mid ah Puntland oo mudo 3 sano ah uu san ka di’in wax roob ah.
Dhowaan ayay markii madaxweynaha maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas uu sheegay in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaano ka tirsan Puntland.


