Kulan looga hadalaayey sare u qaadida xariirka dalalka Soomaaliya iyo K/Suudaan, islamarkaana ay ka qeyb galeen safiirka Jamhuuriyada Fadaralka ee Soomaaliya u fadhiya Koofur Sudan Xuseen Xaji Axmed iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee dalkaasi Deng Alor Kuol, ayaa lagu qabtay xarunta Arimaha Dibadda ee wadankaasi.
Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee wadanka Koofur Sudan mudane Xuseen Xaji Axmed oo ay wehelinayeen Diblomasiyiinta Safaarada ayaa uga mahadceliyay dowlada iyo shacabka Koofur Sudan soo dhaweynta ay u fidiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dhaman gobolada wadankan.
Wasiirka Arimaha Dibada ee wadanka Koofur Sudan Deng Alor Kuol ayaa xusaay in doorashadii ka dhacday Soomaaliya ,isagoo ku tilmaamay guul u soo hoyotay Qaarada Afrika.
Deng Alor Kuol waxa uu ammaanay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku ku sugan wadanka K/Suudaan isaga oo ku tilmaamay in ay yihiin jaaliyada ugu wanagaasan jaaliyadaha kale ee ku nool dalkan Koofur Sudan.


