ICRC oo ka digtay Macluusha Abaarta

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga (ICRC) oo Abaaraha Soomaaliya warbixin ka diyaarisay ayaa soo jeedisay in la helo 400 Million oo Dollar si loogu caawiyo dadka Abaaraha ay saameeyeen, kuwaasi oo ku kala nool dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.

Waxa ay sheegtay Hay’adda (ICRC) muhiim in ay tahay in la helo lacagta ay codsatay, si loo Taageero gar gaar buuxana loo gaarsiiyo dad ku dhow 5 Million oo Qof.

Dominik Stillhart oo ah Agaasimaha Howlgalladda ee (ICRC),  ayaa sheegay dalalka Soomaaliya iyo Yemen macluusha Abaarta in si weyn looga dareemay, wuxuuna tilmaamay in 20 Million oo qof soo wajahayso gaajo.

“Waxaa muhiim ah in gar gaar la gaarsiiyo dadka ay Abaaraha saameeyeen, si loo badbaadiyo dadka macluuusha ay heyso, waxaa laga yaabaa xaalada Abaarta hadii aan waxba laga qaban in ay noqoto mid qatar ah, sida dalalka South Sudan iyo Nigeria mida ka jirta oo kale” Ayuu yiri Dominik Stillhart.

Sidoo kale Agaasimaha Howlgalladda ee (ICRC) Dominik Stillhart ayaa sheegay muhiim in ay tahay in kor loo qaado gar gaarka gurmadka Abaaraha, wuxuuna sheegay in si deg deg ah loogu baahan yahay cunto, biyo iyo daryeel, si loo caawiyo dadka macluusha ay heyso.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa dhowaan waxa ay sheegtay Abaarta ka jirta qaar ka mid ah dalaka Afrika in ay tahay mid sii xoogeysaneysa oo ay saameysay in ka badan 20 Million oo Qof, loona baahan yahay in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro.

SOURCE:- XINHUA