Danjire Barrow oo ka Tacsiyadeeyay Weerarkii Ambassador

South Africa-RisaalaFM- Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barow,ayaa tacsi u diray Qoysaskii iyo Eheladii ay ka geeryoodeen dadkii ku dhintay Qarixii Hotel Ambassador ay la beegsadeen ururka Al-shabaab.

“Waxaan halkaan Tacsi ugu dirayaa  Qoysaska iyo Ehelada Xildhibinaadii iyo Shacabkii ku geeriyooday weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Argagixisadu u geysteen Shacab aan wax galabsan,waxaan leeyahay samir iyo iimaan Allaha ka siiyo kuwa dhaawacana waxaan u rajeynayaa in ay helaan caafimaad deg deg ah “ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Jamaal Barow, ayaa sidoo kale sheegay in mashaqadii ka dhacday Hotel Ambassador ay tahay wax laga xumaado.

Jamaal maxamed Barow  ayaa markii loo soo  magacaabay safaaradda Soomaaliya ee dalka koofur Afrika waxa uu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo South Africa, isla markaana uu wax badan ka qabtay arintaasi.

Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa furan mudo saddex sano ku dhawaad ah.