Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maalinkii Labaad Dunida Islaamka si mideysan looga ciidayaa Munaasabadda Ciidul Fidriga, iyadoo dadka Muslimiinta ah ay isugu hambalyeynayaan Munaasabadda Ciidul Fidriga.
Wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale maanta lagu arkayaa dadyow aad ufara badan kuwaas oo isugu jira Caruur, Ciroole, iyagoo ku faraxsan in ay si mideysan u ciidaan.
Qaar ka mid ah shacabka maalinkii Labaad udabaal degaya ayaa Idaacadda Risaala usheegay in ay aad ugu farxasan yihiin Munaasabadda Ciidul Fidriga, sidoo kalena waxa ay Alle ka baryeen in sanadkan midka xiga uu caafimaad ku gaarsiiyo.
Shalay ayay aheyd markii Dalalka Islaamka si mideysan looga dabaal degay Munaasabadda maalinkii Koowaad ee Ciidul Fidriga.


