Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qalab Xafiiseedka yaala Xafiisyada Hay’adaha dowladda in ay soo saari doonto Warshada Ciidanka Asluubta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in dowladda ay hormarineyso islamarkaana taageereyso warshada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan dhiira gelinta cid walbo oo soo saartay qalab ay u baahan tahay iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkan ayuu Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay xilli shalay uu booqasho ku tagay xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed cafis ufidiyay Maxaabiis gaareysa 100 kuwaas oo loo heystay dambiyo kala duwan.


