Wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan Puntland ay ku dagaalameen deegaan duleedka kaga beegan degmada Garacad ee gobolka Mudug.
Sidoo kale wararka inaga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya deegaanka Togga Suuj loo yaqaano in dagaal uu ka dhacay.
Dagaalka ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Garacad loo yaqaano, waxaana dagaalka uu u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Puntland, iyadoo rasaasta laga maqlayay deegaanada hoostaga Puntland.
Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab iyaga oo nool.
Ilaa iyo iminka lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalada ka dhacay deegaanada ka tirsan gobolka Nugaal.


