Dagaal u dhaxeeya Galmudug iyo Al-shabaab oo ka socda bariga gobolka Mudug

Wararka inaga soo gaaraya deegaanada gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu ka socdo bariga gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Budbud.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo ciidamada maamulka Galmudug iyo Al-shabaab,,

Dadka halkaasi ku sugan ayaa soo sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidanka maamulka Galmudug.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa hadda si xoog leh uga socda deegaanka lagu magacaabo Budbud oo ka tirsan gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-shabaabka la dagaalamaya Ciidamada Galmudug ay yihiin,kuwii Ciidamada Puntland kula dagaalamay Aagga Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo Al-shabaab.

Wixii ku soo kordha la soco