Dagaal ka socda Koonfurta Mudug iyo Rasaas Xoog leh oo la maqlayo

Wararka ka imaanaya Koofurta Gobolka Mudug gaar ahaan degaanada Caad iyo Ceel-cabdi ayaa sheegaya inuu halkaa ka soconayo dagaal Xooggan oo u dhexeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo Al-shabaab.

Degaanada Caad iyo Ceel-cabdi ayaa hoosyimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug islamarkaana ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada maamulka Galmudug ay Weeraro ku qaadeen fariisimo ay halkaa ku leeyihiin Al-shabaab.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayaan la ogaan karin Sababo la xariira Xabadda oo wali socota.

Galmudug ayaa degaanadaasi geysay ciidamo aad u badan,iyadoo ay horay u jireen isku dhacyo dhex maray dadka deegaanka oo gacan ka helaya Galmudug iyo Al-shabaab.

Al-shabaab ay dhankooda waxa ay sheegeen in weerarka lagu soo qaaday laakiin wali ay ku sugan yihiin deegaanada uu dagaalka ka socdo.