Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax Miino halkaasi lagula eegtay askar ka tirsan ciidanka dowladda kuwaasi oo halkaasi marayey.
Miinadaan ayaa nuuceeda la sheegay in ay ahayd mida dhulka lagu aaso , waxaana ay ku qaraxday mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen askartaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyooday 3 askari oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Waxaana dadka deegaanka iyo masuuliyiinta deegaanka Lafoole ay Idaacadda Risaala u sheegeen in askar ka tirsan ay ku geeryoodeen qaraxaasi.
Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda Federaalka ah, kuwaasi oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.
Al-shabaab ayaa barahooda Internetka ay ku faafiyeen in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen.


