DHAGEYSO: Dagaal ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado

Wararka inaga soo gaaraya garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado ee Maamulka  Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan  in dagaal halkaasi maanta uu ka dhacay.

Waxaana la sheegay in dagaalka uu u dhexeeyay ciidamada amaanka iyo Ganacsatada garoonka uu qaadka uga soo dego.

Waxaana halkaasi ku dhexmaray labada dhinac iska hor imaad kadib markii is qab qabsi xoogan uu ka dhashay canshuuraha laga qaado ganacsatada degmada Cadaado.

Maamulka Galmuduga ayaa garoonka Cadaado waxa ay geeyeen ciidamada Nabad Sugidda, waxaana guud ahaanba ay la wareegeen dhaq dhaqaaqa garoonka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Maalmihii la soo dhaafay garoonka magaalada cadaado waxaa ka taagnaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeyay ciidamadii horey garoonka ujoogi jirey iyo ganacasatada halkaasi wax ku iibisa.