Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxayaan dab xoogan oo Saacado ka hor ka kacay inta u dhaxeysa Dekeda weyn ee Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Wararka ay Idaacadda Risaala heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in dabka uu ka dhashay goob Qashinka la dhigo.
Sidoo kale waxaa goobta uu dabka ka kacay gaaray Saraakiil ka tirsan Xabsiga Dhexe ee Xamar, Mas’uuliyiin ka tirsan Dekeda Muqdisho, iyo Maamulka gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in dadka ilaa iyo hadda uu socdo oo wali ay wadaan dadaalo lagu daminayo.
ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkaasi iyo sababta ugu weyn ee keentay inuu dhaqso faafo.


