Chelsea ayaa kor u qaaday xiisaha ay uqabto weeraryahanka kooxda Juventus Simone Zaza, sida ay sheegayaan wararka.
Iyadoo tababaraha Italy Antonio Conte qarka uu ku biirayo Blues xagaaga dambe, Zaza ayaa la sheegay in uu ku jiro liiska weerar ee uu suuqa ka rabo.
Wargeyska Tuttosport ayaa sheegay in Chelsea wakiilo joogta ah u dirtay kulankii Juventus ay 2-1 ugu badisay AC Milan sabtidii.
Zaza, ayaa lagu qiimeeyaao ku dhowaad £24 milyan, waxaana uu dhaliyay todobo gool 21 kulan oo uu u saftay kooxda Serie A xilli ciyaareedkan.


