Arsenal ayaa dalab u dirtay kubad daafaca Porto Danilo Pereira,lakiin waa lasoo diiday durba, sida lagu sheegay Correio da Manha.
Xiddigan 24-sano jirk ah ayaa kaliya u dhaqaaqay kooxda reer Portugal xagaagii lasoo dhaafay, isagoo u saxiixay heshiis afar sanno ah, waxaana uu si deg deg ah kaga mid noqday qayb kamid ah kooxda koobaad muhiim.
Porto ayaa ku adkaysanaysa in kaliya Danilo ku fasixi doonto € 40 million (£ 31.7m) oo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa, iyadoo Arsenal lagu soo waramayo in ay ka mid tahay kooxo badan oo xiiseynaya xiddigan.
Wakiilka Danilo Oliver Cabrera, ayaa u sheegay Violanews talaadadii: “Waxa aan ogahay in Danilo soo jiidanayo kooxo badan, labada koox ee Spanish iyo kuwo ka dhisan England ayaan ka warqabnaa in ay xiiseynayaan ayuu hadalkiisa ku daray.


