Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta barqadii uu dagaal xoogan ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolkaas Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo Ciidamo itoobiyaan ah.
Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Kolonyo ay wateen Ciidamada Itoobiya oo ka yimid dhinaca deegaanka Yurkud ay weerar jidgal ah ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,waxaaana la sheegay in dagaal in ka badan hal saacadood socday uu halkaasi labada dhinac ku dhexmaray.
Dagaalka ka hor ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Kolonyada Ciidamada Itoobiya lala eegtay qarax Miino xilli ay marayeen inta u dhaxeysa demada Luuq iyo deegaanka Bashiir,kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Xubo ka tirsan Al-Shabaab.
Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Itoobiya uu qaraxa qabsaday,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay,hayeeshee aysan jirin cid weli surasmi ah u xaqiijisay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa Itoobiayee ku sugan Gobolka Gedo weli kama hadlin dagaalkaas dhexmaray Al-Shabaab iiyo ciidamada Itoobiya,balse Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya.



