Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamada daraawiishta Galmudug oo kaashanayay maleeshiyaad degaanka ah iyo Al-Shabaab, wuxuuna ka dhacay Degaanka Qararow oo dhawaad 50KM u jira magaalada Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Daraawiishta Galmudug ay weerar ku qaadeen Goob ay isku aruuraanayeen Xubno katirsan dagaalaayaasha Al-Shabaab.
Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen ilaa Saddex Ruux oo labada dhinac ah tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay ku waramayaan Goobjoogayaal ku sugan degaanka Qararow oo uu dagaalka ka dhacay.
Dhowr jeer oo hore ayaa degaano kuyaalla Koonfurta Gobolka Mudug waxaa ku dagaalamay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo dhaq dhaqaqyo Ciidan ka waday halkaas.



