Dad Shacab ah oo lagu dilay duleedka Laascaanood

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in kooxo hubeysan saddex qof shacab ah  ay ku dileen deegaan ku dhow magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa kacsan waxaana bandow lagu soo rogay magaalada,iyadoo ay xusid mudantahay in madax ka tirsan Somaliland ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Laascaanood.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ku xiray odayaal kor u dhaafaya 25 oday oo lagu eedeeyay in ay guuldareysteen xalinta dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Sool.