DHAGEYSO: Dad loo soo qabtay dilka Gudoomiyihii Galgaduud

Muqdisho-RisaalaFM- Kulan looga hadlayay sida ay u wada shaqeyn karaan laamaha amniga iyo bulshada ayaa maanta waxaa lagu qabtay gudaha degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir, saraakiisha amniga iyo bulshada degmada.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay howlgallo ay sameeyeen Ciidamada in ay suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo rag lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen dilka Guddoomiyihii gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Guddoomiyaha Yaaqshiid oo aan sheegin tirada ragga ay gacanta ku dhigeen ayaa tilmaamay in hada ay ku socdaan baaritaano, sidoo kalena dhowaan ay soo bixi doonto natiijada saxda ah.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Axmed in mar walba ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan amniga iyo hormarka degmada, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni daro.

Soo qabashada dadkan ayuu sheegay in ay ka caawiyeen bulshada degaanka iyo Ciidamada Booliska, Nabad Suggida oo kordhiyay hawlgalada, ay ka samaynayaan Degmada Yaaqshiid.

4-tii bishan ayaa Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo walaalkiisa waxaa kooxo hubeysan xilli habeen ah ay ku dileen xaafada Carafaad ee degmada Yaaqshiid, halkaasi oo uu ku booqanayay qaar ka tirsan eheladiisa.