Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xeebta Liido “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho ku tagey Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

Ammaanka xeebta Liido iyo haraaraheeda ayaa aad loo adkeeyay, Ka hor intii aanu Madaxweynaha Soomaaliya gaarin halkaasi iyo inta uu ku sugnaa.

Madaxweynaha, ayaa waxaa la arkayay isagoo si caadi u dhex gelaya bulshadii damaashaadka u joogtay Xeebta Liido, oo ku taala Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xaaladooda ka wareystay dadkii uu la kulmay, sidoo kalana waxa uu wax ka weydiiyay arrimaha ammaanka iyo hannaanka shaqo ee dowladda.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga, si loo gaaro hormarka la hiigsanyao.