DHAGEYSO: Cosoble “Jowhar waan ka guuray, waxaana ku shaqeyn doonaa Beledweyne”

Beledweyne-RisaalaFM- Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble oo kalsoonida lagala noqday, ayaa maanta gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Cosoble ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beledweyne wuxuu ku cadeeyay in uu ka soo guuray magaalada Jowhar, uuna ku shaqayn doono wixii hada ka dambeeya magaalada Baledweyne.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayuu ku eedeeyay inay soo fara geliyen Maamulka Hirshabeelle.

Cosoble, ayaa sheegay haddii ay ku shaqayn waayeen Magaalada Jowhar, inay ku shaqaynayaan Magaalada Baledweyne, islamarkaana ay sii wadi doonaan shaqada Hirshabeelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa bartamihii bishan kalsoonida kala noqday Madaxweyne Cosoble, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar.