Dad lagu dilay Gobolka Galgaduud & xiisad ka taagan

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay Maanta dad Xoolo dhaqato ah ku dileen deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Maleeshiyaad sida la sheegay watay mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay weerareen dad Xoolo Dhaqato ah oo ku nool deegaan lagu Magacaabo God dhurwaa oo u dhaxeeya Biyo Gaduud Iyo Dhabad,kuwaas oo hoostaga Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in maleeshiyaadka hubeysnaa ay weerarkaasi ku dileen laba Ruux oo kamid ahaa dadka xoolo Dhaqatada ah, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Dilkaas ayaa waxaa loo aaneynayaa sababo la xiriira aanooyin qabiil,waxana wararka ay intaasi ku darayaan in xiisad ka dhalatay dilka labada qof ay Maanta ka taagan tahay deegaanka God dhurwaa ee duleedka magaalada Cadaado.