Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay dad ku dileen deegaankaasi, kuwaasi oo la shegay iney dhuxul jarayeen.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta caalamiga u sheegay in dadka horey looga digay iney dhuxusha ka sameeyaan geedaha deegaanka oo la jaro, waxaana la sheegayaa in ciidamo Alshabaab ka tirsan dadka deegaanka ay dileen.
Ku dhawaad seddex ruux ayaa ku dhimatay rasaasta ay fureen Al-shabaab, waxaana dadka dhibtay ay ahaayeen kuwii ku mashquulsanaa sameynta dhuxusha.
Warbixin ay sanadkii 2014kii soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in hal milyan oo jawaan oo dhuxul ah la dhoofiyay iyadoo ciidamada Kenya ay goobjoog ahaayeen, dhuxushaas oo horey u tiilay dekedda Kismaayo.
Waxaa jira warar sheegaya in dhoofinta dhuxusha Somalia ay si qarsoodi ah ku socoto iyadoo weli Soomaaliya ay saran tahay xayiraadda Qaramada Midoobay ee dhoofinta dhuxusha tan iyo sanadkii 2012kii.


