Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan.
Weerarka ayaa wuxuu sababay dhimashada labo ruux iyo labo kale, kadib markii kooxaha hubeysan ay weerareen ciidamo la sheegay iney ilaalo u ahaayeen gudoomiyihii hore laanta Canshuuraha Beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige.
Weerarka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan afar irdoodka oo ah laamiga dheer ee magaalada Boosaaso, waxaana ku dhintay mid kamid ah ilaalada Ibraahim Maxamed Jige iyadoo labo kale ay ku dhaawacmeen.
Laamaha amaanka ee gobolka Bari ayaa sheegay iney baarayaan ragga weerarka ka dambeeyay iyo qaabka ay u fuliyeen, laakiin Idaacada Andulus eek u hadasha afka Alshabaab ayaa sheegtay in Alshabaab ay ka dambeeyeen weerarka.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli qeyb ka mid ah gobolada Nugaal iyo Bari ay ka socdaan dagaalo ciidamada Puntland ay ku baacsanayaan ciidamo tirsan Al-shabab oo dhawaan xeebaha Puntland ku gaaray doonyo.