Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Maaliyadda DFS waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Bayleh, Ku xigeenkiisa Prof C/llahi Shiikh Cali (Qaloocoow) iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Md Maxamuud Xayir Ibraahim, masuuliyiin ka socotay Madaxtooyada, Xafiiska R/Wasaaraha, Xafiisyada Hanti Dhowrka iyo Garyacaanka Guud.
Ujeedka Munaasabadda ayaa waxa ay aheyd in ay xilka la wareegto xisaabiyaha Guud ee dowladda.
Xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ayaa xilka ku wareejiyay Xisaabiyaha cusub Marwo Faadumo Cusmaan Faarax.
Wasiirka Maaliyadda ayaa dardaraan u jeediyay Xisaabiyaha cusub ee dowladda, waxaana uu sheegay in laga doonaayo in ay qabato shaqo badan.



