DAAWO SAWIRRADA: Ciidamada Ciraaq oo la wareegay Marin muhiim ah

Ciidamada Ciraaq ayaa ka qabsaday Kooxda Daacish marin muhiim ah oo ku yaal xaduudka ay wadaagaan wadamada ciraaq iyo Syria.

Dowladda ciraaq  ayaana sheegtay in ay la wareegeen degaanka Al-waleed oo  ku yaal xadka ay wadaagaan laba dal.

Horay ayey aheyd markii dowladda Syria iyo xulafadeeda ay kooxda Daacish ay kala wareegeen degaano dhaca dhinaca xaduuda ay la wadaagaan ciraaq.

Degaanka Al-waleed ayaa udhaw Al-tanf oo dhaca xaduuda ay labada wadan wadaagaan.taasi oo fure muhiim ah u ah wadada isku xirto magaalooyinka Baghdad iyo Damascus sidoo kale waxa uu isku xiraa wado weyn ee udhaxayso magaalooyinka Baghdad iyo Amman.

Daacish ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen degaanka Al-waleed bishii May sanadkii 2015 tii ka dib dagaal muddo sanad socday oo dhiig badan ku daatay oo ay kula galeen ciidamada Ciraaq

Dhanka kale ciidamada dalka Syria ayaa horumar waxa ay ka sameenayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ee ka soconaayo degaanka Al-tanf