Mudug-RisaalaFM- Galmudug ayaa soo bandhigtay Badmaaxiin u dhashay Dalka Hindiya oo shalay laga soo badbaadiyay burcad Badeedda Soomaalida ah kuna heystay degaan u dhow degaanka Ceel-huur ee Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug Maxamed Yuusuf Xaashi oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay shaqaalahan dhowaan in lagu wareejin doono Dowladda Hindiya.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay Burcad badeeda afduubatay raggan oo qaar ka tirsan ay hayaan in ay soo taagi doonaan Maxkamad.
Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Nabad Suggida qaybta Galmudug ka hawlgasha ay ku guulaysteen inay soo furtaan Sideed badmaaxiin ah oo u dhalatay dalka India, kuwaasi oo maalmihii dambe gacanta ugu jiray Burcad Badeeda Soomaalida.




