DHAGEYSO WAREYSI: Galmudug oo Maxkamad soo taageysa koox Burcad Badeed ah

Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug Maxamed Yuusuf Xaashi oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaal ka dhacay Gobolka Mudug oo lagu soo qabtay Koox Burcad Badeed ah.

Waxa uu sheegay Dagaalkaasi in ay ku soo qabteen 4 ka tirsan koox Burcad Badeed ah oo horey u Afduubtay Doon u rarneyd Ganacsato joogta Magaalada Kismaayo, hadana ay ku jiraan xabsi ku yaalla Degmada Hibyo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay raggan in loo sii gudbin doono Maxkamadda Gobolka, dhowaana la soo taagi doono Maxkamad, si cadaalada loo horgeeyo.