DAAWO SAWIRRADA: Al-Shabaab oo tababar usoo xiray ciidamo Ajnabi ah

Al-shabaab ayaa tababar u soo xirtay Ciidan cusub oo kenyaan ah ,kuwaa soo ka mid noqonaya Ciidamada Al-Shabaab ee Weerarada ku qaadaya gudaha dalka Kenya.

Ciidamadaan ayaa tababarka waxaa uu soo xiray Afhayeenka  Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, isagoona sheegay in ciidamadaan ay yihiin  Ciidamo Kenyaan oo kusoo biiray Al-Shabaab ,islamarkaana hadda ka dib Weeraro ku qaadi doona dalka Kenya.

Waxaa uu Ciidamadaasi ugu baaqay in ay dagaal culus la galaan dowladda kenya.

Waxaa uu u sheegay in Ciidamdaasi Kenyaanka u badan in dowladda Kenya ay dhibaato badan ku heyso dadka Muslimiinta ah ee kunool dalkaasi.

T1 T3 T5 t7-1