Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku garaacday kooxda ay xifaaltamaan ee Chelsea saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Marquinhos.
Manchester United ayaa qorsheyneysa inay isxoojiso xagaagaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub, sababtoo ah kaalinta 6aad ayey xill ciyaareedkaan uga dhammeysatay horyaalka England Premier League.
Tababare Jose Mourinho ayaa kooxda ka diri doona xiddig kasta oo uusan u arkin mid muhiim ah wuxuuna Man Utd u bedeli doonaa koox u tartanta hanashada koobka horyaalka EPL xilli ciyaareedka soo aadan.
Camaaliqada ka dhisan Old Trafford ayaa qaab ciyaareed aan joogto aheyn soo bandhigtay xilli ciyaareedkaan, fursadda ay kusoo aadi karto tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo aadan ayaana ah inay ku guuleysato koobka UEFA Europe League Arbacada marka ay wajahdo kooxda Ajax.



