Nin hubeysan ayaa xabad ku furay goob laga daabulo alaabaha shirkadaha Air Canada iyo Delta Airlines.
Booliska ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay, haatanna waxa ay isku dayayaan inay go’aan ka gaaraan waxa ninkaasi ku dhaliyay inuu dadka laayo.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ninkaani uu amusnaa, marka uu rasaasta furayay iyadoo dadku ay isku dayayeeen in ay halkaasi ka baxsadaan.
Ciidammada ammaanka ayaa waxaa ay rumeysan yihiin in ninka weerarka fuliyay uu ahaa keligii, waxaana markii dambe la soo daad gureeyay rakaabkii ku xayirnaa gudaha garoonka diyaaradaha.
Ilaa iyo hadda ma kala cadda sababta ninkani uu weerarka u fuliyay iyo in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso.
Waxaa kale oo jiray warar ka soo baxay mid ka mid xildhibaanada Aqalka Senate-ka oo magaca ninka weerarka fuliyay ku sheegay Estaban Santiago, da’diisuna tahay 26 sano, waxaana uu intaa ku daray in ninkaasi uu watay kaarka aqoonsiga ee milateriga Mareykanka.



