Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Ciidanka AMISOM ayaa dilay ku dhawaad 70 neef oo geel ah shalay gelinkii dambe.
Falkaan ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Wareer-male, oo hoos-tagga Degmada Baraawe.
Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Degmada Baraawe, ayaa la sheegay in ay geysteen dhacdadaan Xanuunka badan.
Sidoo kale ciidanka AMISOM ayaa dilay labo wiil waday geela ay AMISOM laysay.
Sheekh Ciise Maxamed Nuur oo ay ehelo ahaayeen wiilasha la dilay oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay dileen geel farabadan iyo sidoo kale labo wiil oo geelaasi soo arooriyay.
Waxaa uu sheegay in geelaasi oo tiradiiso dhamaa 90 ay helaan tiro yar oo kamid ah oo qaarkood ay dhaawac yihiin.
Ciidanka AMISOM ayaa lagu eedeeyaa in ay inta badan ay tacadiyo ka geystaan gobolka Shabeelaha Hoose .


