Breaking News: Jose Mourinho oo Evra usoo bandhigay inuu kusoo laabto Mourinho

Patrice Evra ayay ufuran tahay inuu kusoo laabto Old Trafford  – laakiin waxaa uu kaliya noqon karaa qeyb kamid ah tababarayaasha.

Kabtankii hore ee United ayaa lala xariirinayaa inuu kusoo laabto kooxdii uu kula soo guuleystay shan horyaal, Sedex League Cup, koobka kooxaha aduunka iyo Champions League oo uu ku guuleystay sanadkii 2008.

Mourinho ayaa ubaahan in   35-jirkan uu kusoo dhaweeyo Old trafford, maadaama uu xili adag ku qaadanayo kooxda Juventus.

Laakiin Wargeyska  Gazzetta dello Sport ayaa ogaanaya in Mourinho uu ubaahan yahay in qabiirkan daafaca ah uu kaliya usoo bandhigayo dalab tababaranimo ah.

Evra – ayaa sidoo kale waxaa dooneysa kooxda West Ham, mana uu hubo hadii uu sidoo kale ka fakarayo inuu ka fariisto kubada cagta.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegaya iney suuragal tahay in Evra uu ka udhaqaaqo United si uu ubuuxiyo booska la doonayo ee ah inuu tababarayaasha kamid noqdo.

Daafacii hore ee United Rio Ferdinand ayaa dhawaan sheegay in Evra uu kusoo laabanayo United.