Ugu yaraan 40 ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar loo adeegsaday bambooyin iyo qoryo, kaasoo lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee magaalada Istanbul.
Ilaha Caafimaadka dowladda Turkiga ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay ku dhawaad 140 ruux oo dhaawac ah
Saraakiisha ayaa sheegay in 3 qof oo ismiidaamiyay ay isku qarxeen garoonka.
Saraakiisha ayaa sheegaya in boolisku ay rasaas ku fureen seddaxdaasi qof ka hor inta aysan isqarxin. Wararka ayaa sheegaya in nimanka is qarxiyay ay booliska ku tuureen bambaanooyin.



