Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaa ka socota Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabelle.
Hoolka Shirarka Jowhar ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, waxa ay ku dooranayaan Kuraasta 8 ah ee ay ka heleen Aqalka Sare.
Wararka ayaa sheegaya Musharaxiinta u loolamaysa Kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle inay ku sugan yihiin Madasha Doorashada ay ka dhaceyso.




