Qorshe weerarada Shabaab looga hortagayo oo la soo bandhigay

Xildhibaannada ka soo jeeda Waqooyi Bari Kenya ayaa dalbaday in Shirakadaha Isgaarsiinta ee dalka Kenya ay xadka geeyaan Siin Isgaarsiineed si looga hortago weerarada Al-Shabaab ka fuliyaan Gobolkaasi.

Xildhibaan Maxamed Daahiye oo laga soo doorto Dhadhaab ayaa Dowladda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta ugu baaqay in ay arrintaasi xooga saaraan si shacabka ay ula shaqeeyaan ciidanka ammaanka ee xadka jooga.

Waxa uu sheegay in aysan ka jirin Isgaarsiinta Taleefanada gacanta deegannadaas dadka haddii ay arkaan Al-Shabaabna aysan la wadaagi karin ciidanka ammaanka.

Waxaa uu Shirkadaha Isgaarsiinta kula taliyay in ay qaataan doorkooda maaddaama ay daneeyayaasha ka mid yihiin, arintaan uu sheegay inay tahay qorshe fudud oo weerarada Shabaab looga hortagi karo.

Waxaa uu sidoo kale baaq u diray Siyaasiyiinta ku jira Dowladda dhexe ee ka soo jeeda Waqooyi Bari Kenya oo uu ka codsaday in ay arrintaasi ku cadaadiyaan Dowladda Kenya.