Daawo Sawirada Ciidamo ka tirsan AMISOM oo aan Sanad mushaar qaadan

Ciidamada Booliska Nigeria ee ku jira Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in aysan mushaar qaadan mudo ku dhow hal sano.

Saraakiil ka tirsan ciidankaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in ay dhameysteen shaqadoodii loogu tala galay in ay ka qabtaan Soomaaliya , islamarkaana hadda ay ku sugan yihiin Soomaaliya oo ku sugaayaan mushaarkooda.

Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika AMISOM, Lydia Wanyoto ayaa sheegtay in Saraakiishaan ay heli doonaan mushaaraadka ka maqan , islamarkaana waxa ay u mahadcelisay dowladda Nigeria dadaalkeeda ku aadan Nabadeynta Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Xasan Xaamud ayaa u mahadceliyay Ciidamada Nigeria ee Amisom, isagoo bogaadiyay howlihii adkaa ee ay qabteen muddadii Sanadka ahayd ee ay Dalka joogeen.

32012089056_24eba47a93_m 31676155250_08c8724bc9_m 31241253533_d38682d8f5_m 32051068005_402f605c59_z 32051053875_743a5d2a98_m 32012100626_4a68d868c0_m