Wararka naga soo Gaaraya Xarunta Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobey ay ku leedahay Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ku Qarxay Gaari ay leedahay Hay’adaasi.
Gaari ayaa la sheegay in uu kasoo baxay Garaash ku dhaw xarunta Hay’adda ,islamarkaana uu Qarxay Marka uu gudaha usoo galay Hay’adda.
Xarunta Hay’adda UNDP ayaa ku taala jidka aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Gaariga ayaa ahaa Qooqan waxaana ku dhaawacmay 4 Askari oo ka tirsan Ilaalada Hay’adda UNDP.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Xarunta Hay’adda UNDP.


