Minneasota-RisaalaFM- Soomaalida Minneasota, Muslimiinta iyo umadaha laga tirada badanyahayba shaley waxa ay u ahayd maalin dabaal deg ah, kadib markii Ilhaan Cumar oo kol hore ku guuleysatay xildhibaannimada Minnesota ee dalka Mareykanka shaley xilkaas loo dhaariyey.
Xafladda dhaartan oo ka dhacdey Aqalka Senate ee gobolkaasi ayaa waxaa looga soo qaybgaley si balaaran.
Ilhaan Cumar Ayaa Ka Guuleysatay Mohamud Nuur Iyo Phylis Kan, Doorashadii dhacday Ayey Ka Keentay 41%, Halka Mohamud Nuur oo Ku Xigay uu isna helay 30% Phylis kan oo udambeeyay ayaa isna helay 29% codadkii a dhiibtay.
Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaali Mareykan ah ayaa Bishii August 2016 ku guuleysatay Kursiga Xildhibaan ee Gobolka Minnesota.


