DHAGEYSO: Jawaari oo isku soo sharaxay Gudoomiyaha Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawari oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaaciyay in uu u tartamayo Xilka Guddoomiyaha  Golaha Shacabka.

Jawaari oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada qaar ay ka codsadeen inuu isku soo sharaxo Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka isla markaana Maanta uu aqbalay Codsigooda kuna dhaqaaqay inuu yahay Musharax Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawari ayaa sheegay in uu  doonayo in uu la yimaado isbedel siyaasadeed oo dhab ah, lana Xiriira Hogaanka Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wax badan oo hormar ah uu ka sameeyay Baarlamaanka Soomaaliya 4 sano ee la soo dhaafay ee uu ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka.