Wiil Waalidiintiisa iyo Walaalihiis dilay

Sida uu baahiyay Tv-ga dowladda Jabuuti wiil da’diisa lagu sheegay 12 sano jir  ayaa xalay Xaafada Todobaad  Caasimada dalka Jabuuti ku dilay Labadiisa waalid iyo sidoo kale Caruur la dhashay.

Dilka ayaa dhacay Xalay Saqdii dhexe , waxaana wiilkaasi uu dilka u adeegsaday Tooreey.

Agaasimaha ammaanka dadweynaha ee dalka Jabuuri Cumar Xasan ayaa sheegay in wiilkaasi uu Weerar ku qaaday qoyskiisa oo ka koobnaa 5 qof ,islamarkaana uu dilay Aabihii , Hooyadii iyo labo gabdhood oo la dhashay.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay wiilkaasi, waxaana ay ku wadaan baaritaano.

Lama oga sababta keentay in wiilkaan yar uu qoyskiisa laayo.