Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa xalay Magaalada Noirobi ugu sameeyay casho sharaf Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxmed ( Farmaajo)
Madaxweynaha Kenya, ayaa waxaa casho sharafta ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku Xigeenkiisa, William Ruto iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Amina Maxamed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii Arbacada aheyd Gaaray Kenya, waxaana dalkaasi uu ku joogga Booqasho Saddex maalin ah.



