Wasiirada Arimaha Dibada IGAD oo Maanta Kulmaya

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa maanta lagu wadaa in ay  ku kulmaan Wasiirada arimaha dibeda Urur goboleedka IGAD.

Shirkaan ayaa si weyn diirada loogu saari doonaa Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale Qaxootiga.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu horudhac u yahay kulanka ay bari yeelan doonaan Madaxda Urur goboleedka IGAD ee looga hadlaayo Qaxootiga.