Daawo NUSOJ oo Siminaar Muqdisho ugu qabatay Suxufiyiin

Muqdisho-RisaalaFM- Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa maanta xarunta Muqdisho ay ku leedahay waxa ay kulan Siminaar ah ugu qabatay Wariyeyaal ka socday warbaahinada iyo TV-yada ku yaala magaalada Muqdisho.

Siminaarka ayaa ahmiyadiisu ugu weyn waxa ay aheyd sida ay wariyaashu u hal abuuri karaan barnaamijyo waxtar iyo xiiso u leh dadweynaha inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan, Max’ed Shiil Xasan iyo Faarax Cumar oo casharada bixinayay ayaa sheegay in Tababarkaan oo hal maamli ahaa ay ka faa’iideysteen Tifaftirayaal iyo Barnaamij soo saarayaal ka socday Idaacadaha, Joornaalada iyo Tv-yada ka Shaqeeya Muqdisho.

Gudoomiyaha Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Maahir Aadan Jaamac ayaa kulanka goob joog ka ahaa waxaana uu sheegay in Siminaarkan muhiimadiisa ugu weyn ee lo qabtay uu ahaa sidii loo kala duwi lahaa Barnaamijyada xilliyada Ramadaanka iyo waqtiyada kale ee caadiga ah.

Waxa uu sheegay in Siminaarkan maanta la qabtay ay xigi doonaan kuwa kale oo lagu qaban doono magaalooyinka waaweyn ee gobolada dalka, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Garowe, Beydhabo, Kismaayo iyo Dhuusamareeb.

Suxufiyiintii ka soo qeyb galay Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday Siminaarka waxa ay sheegeen in waxyaabo badan ay ka faa’ideen sidoo kalena ay mahad gaar ah u celiyeen Ururka NUSOJ.

1- 2- 3- 4- 5- 6- 7- 8- 9- 10- 11- 12-