Daawo:-Maxaa sababay inay burburaan wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho?

Waxaa ku burburay Roobkii ka da’ayay Magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Magaalada muqdisho,kuwaas oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Wadooyinka ugu muhiimsan ee Roobka ku burburay ayaa waxaa kamid ah,Wadada Shaqaalaha, Tan KPP, Wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay ilaa Boondheere, Wadada ka tagta Isgoyska Fagax ee aada dhinaca Suuqa Xoolaha iyo Wadada Shineema Afrika ee dhex-marta degmada Xamarweyne.

Hoos Ka Daawo Warbixin iyo Wariye Cali Xasan.