Faahfaahin ku saabsan Sharciga doorashooyinka ee maanta baarlamaanka loo qeybiyey

Kulankii wadajirka ahaa oo ay maanta yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,isla markaana ay goobjooga ka ahaayeen 186 Xildhibaan iyo Senator, ayaa waxaa loogu qeybiyey Sharciga doorashooyinka.

Sharcigaan ayaa waxaa dhawaan soo geba-gabeeyey diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka,guddigaas oo ka koobnaa 15 Xubnood oo laga soo xulay xildhibaannada Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa soo bandhigay nidaam cusub oo doorasho ah, iyagoo meesha ka saaray nidaamka Metalaada isu dheeli tiran ee Liiska xiran oo ahaa sharcigii doorashooyinka ee ay Xukuumadda soo gudbisay kuna bedelay Nidaamka Aqlabiyada badan.

Guddiga waxa ay shaaciyeen in Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta dalka uu ku haboon yahay.

Sharcigaan ayaa waxaa ku qoran in  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay dooranayaan Shacabka, halka Baarlamaanka Labada Gole ay dooranayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, si waafaqsan dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka, sida uu qabo qodobka 89aad ee Dastuurka.

Guddiga KMG ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ayaa meesha ka saaray qodobkii ahaa in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga hela kuraasta ugu badan Aqlabiyada Baarlamaanka ayaa ku guuleystay Jagada Madaxweynaha.

Taas bedelkeed wuxuu Guddiga tilmaamay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku imaanayo nidaam Baarlamaani ah, waxaana kulan wadajir ah ku dooranaya Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .